Farole oo hambalyada Kowda August u diray shacabka Puntland [DHEGEYSO]

Image

August 1, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole oo Garowe ku sugan ayaa hambalyada sanad-guurada 17aad ee kasoo wareegtey markii la dhisay Puntaland wuxuu diray shacabka reer Puntland.

Farole ayaa guul iyo horumar u rajeeyey Puntland isagoo Ilaah uga baryeyey in sanadkan sanadkiisa xiga uu ku gaarsiiyo barwaaqo iyo nabad.

Dhammaan deegaanada Puntland waxaa maanta looga dabbaal degey sanad-guuradi 17aad ee kasoo wareegtey markii la asaasay Dowladda Puntland, sanadkii 1998.

Waxaa xusid mudan in sanadkan magaalo madaxda Garowe si weyn looga dareemin xuska Kowda August, maadaama dowladdu baajisey isku-soo bixii iyo gaaddo ka ciyaarkii ciidamadu ka sameyn jireen Fagaaraha Barxadda.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo sabti ah hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Farole.

Ujeedka booqashada ayaa ahaa salaan iyo tacsiyeyn sida uu warbaahinta u sheegay Eng. Camey. 

GAROWE ONLINE​

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM