Farole oo ka hadlay dagaalka Gaalkacyo

Image

Madaxwaynihii hore Puntland Dr.Cabdiraxaman Shiikh Maxmed Farole ayaa madaxwaynaah DFS Xasan Shiikh Maxamuud ugu baaqay inuu tago magalada Gaalkacyo si uu qayb uga noqday dadaalada lagu dhamaynayo colaada taagan, hadalkan ayuu sheegay xilli uu shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay hoygiisa Garowe.

 
Dr.Farole ayaa marka hore ka hadlay dagaalka Gaalkacyo kaasoo bilowgiisa ka kacay waddo laga samaynayay xaafada Garsoor waxa uu sheegay Puntland iyo Galmudug inay markii hore xal muuqda ka gaari lahayd arrintaasi,
 
Madaxda iskugu tagtay Gaalkacyo ayuu ka codsaday inay go'aan cad ka qaataan xaalada taagan loona daadego halka ay sarta ka qurunsan tahay ee dagaalku ka kacay.
 
Madaxwaynaha dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayuu sheegay inay waajib tahay inuu tago Gaalkacyo qaybna ka noqdo nabadeynta halkaasi laga wado maadama Ra'iisul Wasaaraha uusan la socon arrimo badan oo tuhun keeni kara.
 
Hadalka madaxwaynihii hore Puntland ayaa imaanaya xilli lagu wado shirka nabadda Gaalkacyo ay isku soo hor fariistaan madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas iyo Cabdirakiin Xuseen Guuleed.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM