Farole oo ka hadlay dagaalka Gaalkacyo

Image

Madaxwaynihii hore Puntland Dr.Cabdiraxaman Shiikh Maxmed Farole ayaa madaxwaynaah DFS Xasan Shiikh Maxamuud ugu baaqay inuu tago magalada Gaalkacyo si uu qayb uga noqday dadaalada lagu dhamaynayo colaada taagan, hadalkan ayuu sheegay xilli uu shir jaraa'id warbaahinta ugu qabtay hoygiisa Garowe.

 
Dr.Farole ayaa marka hore ka hadlay dagaalka Gaalkacyo kaasoo bilowgiisa ka kacay waddo laga samaynayay xaafada Garsoor waxa uu sheegay Puntland iyo Galmudug inay markii hore xal muuqda ka gaari lahayd arrintaasi,
 
Madaxda iskugu tagtay Gaalkacyo ayuu ka codsaday inay go'aan cad ka qaataan xaalada taagan loona daadego halka ay sarta ka qurunsan tahay ee dagaalku ka kacay.
 
Madaxwaynaha dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayuu sheegay inay waajib tahay inuu tago Gaalkacyo qaybna ka noqdo nabadeynta halkaasi laga wado maadama Ra'iisul Wasaaraha uusan la socon arrimo badan oo tuhun keeni kara.
 
Hadalka madaxwaynihii hore Puntland ayaa imaanaya xilli lagu wado shirka nabadda Gaalkacyo ay isku soo hor fariistaan madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas iyo Cabdirakiin Xuseen Guuleed.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM