​Farole oo tacsi ka diray geerida Cadde Muuse

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore Puntland ahna Xildhibaan katirsan Aqalka Sare Barlamanka Somalia, Cabdiraxmaan Farole ayaa tacsi u diray General Cadde Muuse Xirsi oo ku geeriyooday dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Cadde ayaa ahaa Madaxweynihii ka horeeyay Farole oo jagadaas ku wareejiyay 2009.

Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay in geeridaas tahay mid ay aad looga naxo, wuxuuna tiiraanyadeeda la wadaagay qoyskiisa, carruurtii iyo umadda Somaliyeed ee uu ka baxay.

"Galabta xilli aan ku jirnay hoolka doorashada, waxaa nasoo gaaray inuu dalka Imaaraadka ku geeriyooday General Cadde Muuse, runtii waa geeri aad looga naxo, waxaana tacsi la wadaagayaa Xaaskiisa, carruurtii, qaraabadiisa, dadkii ka agdhawaa iyo umadda reer Puntland, waxaana leeyahay alle geeridaas ha ugu badalo janno iyo naxariis,"Ayuu yir Farole xilli muuqaal kooban soo dhigay Boggiisa Facebook.

Farole, ayaa intaas ku daray inuu aaskiisa ka qayb gali doono hadii waddanka la keeno oo ay ka gaaraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM