Farole oo tacsi ka diray geerida Dr: Maxamed Warsame Rooti [Dhagayso]

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qarabaadii u ka baxay Dr: Maxamed Warsame Rooti oo ku geeriyooday dalka Australia.

"Waxaa i  soo gaartay in dalka Australia gaar ahaan magalada Melbourne oo ku geeriyooday Dr: Maxamed Warsame Rooti oo aan ahayn rafiiq, Allaha u naxariisto geeridiisa waan ka naxay runtii xanuunkana waan ku ogaa"Ayuu yiri Farole.

Faroole ayaa sheegay in Dr: Maxamed Warsame uu ahaa nin magac ku leh bulshada Somaliyeed ee dagan magalada Melbourne, waxaana shacabka Somaliyeed, Xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay ALLE uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM