​Farole oo tacsi kadiray qaraxa Galkacyo

Image

GAROWE- Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa ka hadlay weerarkii saaka ka dhacay magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, wuxuuna tacsi u diray dhammaan intii Qaraxaasi lagu dhibaateeyay.

Farole oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay inuu ka xunyahay dhibaatada loo gaystay dadkaasi isugu jiray mas'uuliyiin iyo shacab isagoo tilmaamay in geerida xisaabiyihii wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolkaas Siciid Cali Yuusuf Gaada-yare uu aad uga xumaaday.

"Innaa lillaahi waa innaa ilayhi raajicuun, waxaa isoo gaartay qaraxa ka dhacay Galkacyo inuu ku geeriyooday xisaabihii wasaaradda maaliyadda Puntland ee gobolka Mudug Saciid Cali Yuusuf Gaada-yare, ilaaladiisii iyo dad rayid ah, waxaana jeclahay inay gaarsiiyo ehelkiisa, xaaskiisa, carruurtiisa, asxaabtiisa oo aan anigu ku jiro iyo dhaammaan shacabka Puntland, waxaana leeyahya ALLAHA u naxariisto Saciid, ALLAHA u naxariisto Saciid,"Ayuu yiri madaxweynihii hore Puntland.

Cabdiramaan Sheekh Maxamed, wuxuu ku tilmaamay weerarkaasi mid xaq-darro lagu dhibaateeyay dad shacab ah oo fuliyeen dad argagixiso ah, isagoo dhammaan intii ku dhimatay ehelkooda EEBBE uga baryay inuu siiyo badal khayr qaba.

Subaxnimadii hore saaka ayay ahayd markii qarax xooggan oo Galkacyo ka dhacay ku dhinteen ilaa lix ruux oo ku jor mas'uul sare oo katirsanaa wasaaradda maaliyadda Puntland, waxaana weerkaasi mas'uuliyaddiisa sheegatay xarakada Shaabab ee Somalia ka dagaallanta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM