​Farole oo tacsi u direy ehelka Fiqi Bashiir

Image

GAROWE, Puntland- Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole oo ah Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia, ayaa tacsi u direy ehelka Marxuum Fiqi Bashiir oo kamid ahaa Isimada Puntland kaasoo maanta lagu aasay gobolka Mudug.

Farole oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa Marxuumka ALLE uga baryay inuu ugu deeqo naxariistiisa waasaca ah, halka qoyskiisana EEBBE u weydiiyay Samir inuu ka siiyo Fiqiga oo uu ku tilmaamay shakhsi qiimo ku dhex lahaa bulshada Somaliyeed.

“Waxaan jeclahay inaan tacsi ka diro Geerida ku timid Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan oo ahaa Madax dhaqameed iyo Mutacallim, waxaa rabaa inaan tacsidan gaarsiiyo Qoyskiisii, asxaabtiisii iyo umadda Somaliyeed ee uu ka baxay marxuumku,” Ayuu yiri Farole.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, ayaa xusay in marxuumka ay muddo soo ahaayeen rafiiq islamarkaana ku sifeeyay shakhsi bulshada Somaliyeed wax u soo qabtay.

“Waxaan ALLE uga baryayaa inuu u naxariisto, wuxuu ahaa Shakhsi wax u qabtay bulshada Somaliyeed,” Ayuu hadalkiisa ku daray Farole.

Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan, ayaa maanta la keenay Maydkiisa magaalada Galkacyo, waxaana lagu aasay isla magaaladaas iyadoo uu ka qayb galay Madaxweynaha Puntland iyo xubno katirsan golayaasha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM