Faroole oo mar kale kusoo baxay xubinimadda Aqalka Sare

Image
Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ku difaacdey kursigiisa cod-aqlabiyad leh. [Photo: PP]

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wakiilada Puntland ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud [Faroole] u doortey in uu mar kale afarta sano ee soo aadan uu maamulkan ku metelo Aqalka Sare ee federaalka.

Faroole, oo intii u dhaxeysay January 8, 2009 – January 8, 2014 madaxwayne ka ahaa Puntland, ayaa doorasho Arbacada maanta ah ka dhacdey caasimada Garowe kaga adkaadey Maxamed Cusmaan Colaad.

Iyadda oo uu noqonayo mudanihii koowaad ee ku guuleysta 11-ka xubnood ee dowlad goboleedkan ku leeyahay Senate-ka, Faroole ayaa Colaad kaga adkaadey natiijo dhan 54-11 sida uu shaaciyey guddoonka golaha.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Faroole uu kamid noqdo golaha Aqalka Sare. Afartii sano ee lasoo dhaafay ayuu Senate-ka ku metelay Soomaaliya, waxaana uu door fiican ka cayaarey hirgelinta badbaadinta dalka.

Puntland oo la aas-aasay 1998-dii ayaa Senate-ka Soomaaliya waxay ku leedahay 11 xubnood. Kaliya waxaa lamid ah Somaliland halka dhamaan maamulada kale ay ku leeyihiin golahan min 8 xubnood.

Sida uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ah kan ugu badan ee maalgelinta lagu sameeyay, Aqalka Sare ayaa metela danaha dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Doorashadda Aqalka Sare ayaa qorshuhu ahaa in ay bilaabato 25-ka July, 2021, balse waxaa dib-u-dhaca ku keenay khilaafaad kasoo shaac-baxay qadiyadda kuraasta goboladda waqooyi oo wali aan xal loo helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM