​Fiqi Bashiir oo lagu aasay magaalada Galkacyo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- AUN waxaa galinkii dambe maanta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug lagu aasay Marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan oo kamid ahaa Isimada Puntland, kaasoo horaantii bishan ku geeriyooday waddanka Sweden.

Aaska Marxuumka, waxaa ka qayb galay Madaxda Puntland, mas’uuliyiinta katirsan golayaasha dowladda, Isimo, Nabadoono, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Diyaarad khaas ah oo waday Maydka Marxuumka, ayaa soo cago dhigay Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf, halkaasoo ay ku sugnaayeen madax iyo dadweyne aad u faro badan.

Salaadda Janaazada ayaa si wadajir ah loogu tukaday qabuure ku yaalla duleedka magaalada Galkacyo.

Dhammaan mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay duugta ayaa si wadajir ah ugu duceeyay marxuumka, waxayna ALLE uga baryeen inuu ugu deeqo naxariistiisa.

Waxay sheegeen inuu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo bulshada ku dhex lahaa sumcad ballaaran.

Madaxda Puntland, ayaa sidoo kale qoyska iyo bulshada Somaliyeed ee uu ka baxay uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

'' Waxaan rabaa anigoo ku hadlaya Magacayga kan Dawladda  iyo kan shacabka Puntland-ba halkani inaan uga diro tacsi ummaada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland geeridaas kutimi Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan, illaahay ha'u naxariistee wuxuu ahaa shakhsi qiime weyn ugu fadhiya Soomaaliya, usoo shaqeeyey, wax badan usoo taray ayuu ahaa, inagana waajibka inaga saaran waxay tahay  inaan u ducayno, Illahay u barrino inuu u naxariisto,'' Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Fiqiga ayaa dhintay 5-tii bishii Julay, isago da’diisu marayso 75 sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM