Fly Dubai oo ka fekereysa duulimaad ay ku bilowdo Puntland

Image
Image

Dubai, UAE - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa magaalada Dubai kulan kula qaatay madaxda shirkadda duulimaadyada ee Fly Dubai

Kulankan oo muhiimad gaara lahaa ayaa waxaa looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai ay duulimaadyo uga samyn lahayd Garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Puntland maadaama ay Dowladda Puntland leedahay Garoomo si casri ah u dhisan laguna samayn karo duulimaadyo heer caalami ah.

Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland uu yahay mid muhiimad gaara u leh, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan isku xidhka Puntland iyo Imaaraadka, waxaa ayna balan qaadeen in ay wakhti dhow duulimaadyadooda ka bilaabi doonaan Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa dhanka kale markuu kulanku soo idlaaday kulan la yeeshay madaxda shirkadda Fly Dubai, waxyna ka wadahadleen qaabka ugu macquulsan oo ay shirkadu wadashaqayn dhow ula yeelan lahayd Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, waxaana shirkaasi kusoo dhammaaday is afgarad.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in dowladda Puntland ay ka go’antahay horumarinta Garoomada iyo sidii Puntland ay ula jaan-qaadi lahayd wadamada horumaray, waxaana uu shirkadda Fly Dubai uga mahadnaqay soo dhaweynta wanaagsan ee ay kula kulmeen isaga iyo waftigiisa.

- DHAMMAAD -

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM