Fulinta go’aanada shirkii Hadhwanaag oo guddiyo loo saarey

Image
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa magacaabay guddiga.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddi u magacaabay hubinta, kormeerka iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii deegaanka Hadhwanaag.

Kulankan ay ka qeybgaleen mas'uuliyiin kala duwan ayaa waxaa lagu go’aamiyey xabad joojin iyo kala rarista ciidan beeleedyada ku diriray deegaanka Saax-meygaag.

Guddigan ayaa kormeeraya in ciidan beeleedyada la kala geeyo Boocame iyo Birta-dheer.

1. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf, Gudoomiye

2. Shiikh Maxamuud Maxamed Xaliike, Xubin

3. Gen:- Axmed Taajir, Xubin

4. Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre, Xubin

5. Caaqil Siciid Cismaan Shanlayste, Xubin

6. Caaqil Cabdullaahi Cali Barre, Xubin

7. Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe), Xubin

Dhinaca kale, Karaash ayaa guddi ka kooban masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda u magacaabay korjoogtaynta, fulinta iyo dabagalka heshiisyadii Shirka nabadaynta, isla markaana si dhaw ula shaqeeya Guddiga Culimada iyo odayaasha dhaqanka.

Guddigan oo ka Kooban 8 xubnood ayaa kala ah

1. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland. Gudoomiye

2. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka wasaarada Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Gudoomiye ku xigeen

3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax, Wasiir ku xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare .Xoghayn

4. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland.

5. Senator Cabdiqani Geelle Maxamed, Wasiir  u dowlaha wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada

6. Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad

7. Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliayaha Ciidanka Daraawiishta Puntland

8. Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland.

Dhanka kale, Karaash ayaa kulan gaar ah la qaatay odayaasha iyo waxgaradka beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Saax-maygaag.

Sida ay sheegtay Madaxtooyadda Puntland, Karaash ayaa waxa uu ku booriyey inay door saliim ah ka qaataan hirgelinta nabadda iyo fullinta qodobada shirka maanta kasoo baxay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladdu il gaar ah ku haynayso cidkasta oo isku dayda inay talaabo u qaaddo dhanka nabadgelyodarada, iyagoona la kulmidoona ciqaab adag, waxa uu ku adkeeyey in nabadda, wada-noolaanshaha, walaalnimada iyo deris-wanaagga loo hiiliye caqliguna shaqeeyo.

Kulanka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, masuuliyiin ka socotay Dowladda, isimo iyo waxgaradka ka qayb-galay shirka, sida ku xusan bayaanka Madaxtooyadda uu arkay GO.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Marxuum Xildhibaan Cali Axmed Maxamuud oo Aad Qaran loogu sameeyay Garowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay duugta marxuumka.

  • Puntland

    20-05-2024

  • 04:56PM

Rag AS u fududeyn jiray weerarada Boosaaso oo la maxkamadeynayo

Puntland ayaa dagaal kula jirta AS iyo Daacish oo ku dhuumaalaysanaya dhulka buuralayd ah ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-05-2024

  • 11:46AM