Furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland oo la muddeeyay

Image

GAROWE, Puntland – Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada dawladda Puntland ayaa furmi doona 15-ka bisha soo aadan ee June sanadkan 2020, sidda lagu sheegay ogeysiis loo diray mudaneyaasha Aqalka.

"Mudanayaal iyo Marwo - Ajandihii qabyadda ahaa waxaa la idinku soo gudbiyey madax-guddiyeedyadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sidii caadadu aheyd," ayaa la raaciyey ogeysiiska.

Wargelintan uu arkay Garowe Online ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Sidaa darteed, waxaan Alle inooga rajeynaynaa in uu nabadgelyo iyo caafimaad inagu gaarsiiyo. Ka soo qeybgal wanaagsan".

Shaacinta furitaanka fadhiyadda baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 ayaa kusoo aadeysa xilli ay jirto halista caafimaad ee ka dhalatay Coronavirus, kaas oo dhakhaatiirtu ku joojiyeen kulamada.

Ma cadda in isbedel lagu sameynayo habka kulamadda baarlamaanka, lagumana caddeyn ogeysiiska loo diray Xildhibaanadda.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa xaqiijisay 125 xaaladood oo ah Covid-19, shan dhimasho ah iyo saddex oo ka caafimaadey.

Guud ahaan Soomaaliya, kiisaska ayaa sii maraya 1,357; dadka uu galaaftay waxay sii cagacageyneysaa 55 xilli bukaanadda uu haleelay kadibna ka bogsaday ay ku dhowadahay 150, sidda xukuumadu xustay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM