Gaalkacayo: labo baalleyaasha cadceeda ku shaqeeya ah oo la qarxiyey

Image

November 21, 2014 (GO)- Labo kamid ah baalleyaasha layrka  ku shaqeeya cadceeda ee dhowaan lagu xiray jidka aada garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo ayaa burburay kadib markii la qarxiyey goor hore oo saaka ahayd.

Qaraxa marka laga reebo labada baalle ee uu dhulka dhigay ma jirto khasaare kale oo ka dhashay. Booliska oo goobta soo gaarey ayaan ku guuleysan inay falkaas cidna usoo qabtaan.

Ammaanka magaalada Gaalkacayo ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey, waxayna arintani kusoo aadeysaa saddex maalmood kadib markii isla magaaladaas lagu diley Weriye Cabdirisaaq Cali Cabdi Silver.

Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo shalay magaalada Garowe shir-jaraa'id ku qabtay, wuxuu sheegay in la bilaabayo hawlgal baahsan oo ammaanka lagu xaqiijinayo islamarkaana lagu qabqabanayo xubno ka tirsan Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM