Gaalkacyo: Hub sharci darro ah oo gacanta lagu dhigay

Image
Image
Image
Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa Bulshada uga digay qaadashada hubka, isticmaalka Maandooriyaha iyo dhaca Shacabka.

GAALKACYO, Puntland - Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa ka qayb galay Munaasibad lagu soo bandhigayey Qaar kamida noocyada Hubka oo lagu soo qab-qabtay Howlgalada Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay sameeyeen

Munaasibadan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Gudoomiyaha Degmada, Taliyaha Qaybta, Gudoomiyayaasha Maxkamada Darajada 1aad iyo Racfaan, Xeerl ilaalinta, Taliyaha Saldhiga dhexe, Agaasimaha Warfafinta Gobolka, Saraakiil iyo Culimo, Hubkan oo isugu jiray Qoryaha Fudud, Kuwa garabka laga rido iyo Bambooyin ayaa lagu qabtay Howlada la dagaalanka maandooriyaha iyo Tuugada Dhaca Bulshada.

Cabdiladiif Muuse Nuur oo ka hadlay munaasibada ay warbaahinta goobjooga ka ahayd ayaa Bulshada uga digay qaadashada hubka, isticmaalka Maandooriyaha iyo dhaca Shacabka.

Nuur ayaa sheegay intaas oo mar-xaladood in loo aqoonsanyahay Argagixisada iyo cid kasta oo lagu arko, Gudoomiyaha ayaa Shacabka faray in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga.

"Waxaan ka qayb galay Munaasibad lagu soo bandhigayey Qaar kamida noocyada Hubka oo lagu soo qab-qabtay Howlgalada Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay sameeyeen, Hubkan oo isugu jiray Qoryaha Fudud, Kuwa garabka laga rido iyo Bambooyin ayaa lagu qabtay Howlada la dagaalanka maandooriyaha iyo Tuugada Dhaca Bulshada," ayuu ku qoray Facebook-giisa.

Wuxuu ku daray: "Waxaan dadka caadaystay uga digaynaa qaadashada hubka, isticmaalka Maandooriyaha iyo dhaca Shacabka dadka intaas sameeya waxaan u aqoon sanahay Argagixisada Alshabaab iyo dadka uu Mujrimka Cali dheera xukumo, shacabka Magalada Gaalkacyo waxaan faraynaa in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM