Gaas ''Gobal iyo Bar,khalkhal ma galin karo ammaanka Puntland''

Image

July 17, 2015 (GO)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay jiritaanka Puntland inay tahay lama taabtan, wax gorgor tan ahna aysan ka gali doonin, hadalkan ayuu ka jeediyay munaasibada Salaada ciida ee magalada Garowe.

''Dadka Puntland waxaa rabaa inaan u sheego inay dowladooda ku kalsoonaadaan, gobal iyo bar hada la dhoodhoobayna khalkhal ma gelin karo Puntland, wax kastana waan isaga filan nahay''.

Dr.Gaas ayaa sidoo kale sheegay Puntland inay hormuud u tahay Soomaalinimo ayna iyaga ka bilaabatay kuna dhamaan-doonto, khudbadiisa waxyaabaha kale uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa inaan lagu feegaari karin Dastuurkii lagu wada heshiiyay ayna cidna ka yeeli doonin.

Ammaanka iyo horumarka Puntland ka jira ayuu Gaas ka hadlay wuxuna sheegay inay farxad u tahay madaxda dalka inay shacabka Puntland maanta kula ciidaan magalada Garowe.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inay muqadas tahay jiritaanka xaduudaha Puntland.

GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona sawirada iyo codadka mas'uuliyiiinta kale oo ka hadashey Saalda ciidul Fitr ee lagu tukadey sakaa garoonka kubada cagta Mire Awaare magaalo madaxda puntland ee Garowe.

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM