​Gaas iyo Guddiga Abaaraha oo Garowe ku kulmay

Image

GAROWE, Puntland- Guddiga dowladdu u xilsaartay u gurmashada dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan deegaanada Puntland, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Puntland oo weheliyaan ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Barlamanka.

Shirkaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland, ayaa diiradda lagu saaray sida ay tahay xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland iyo halka ay marayaan dadaallada socda.

Guddiga u xilsaaran gurmadka, ayaa soo bandhigay warbixin ka hadlsa dadaallada la sameeyay, waxayna sheegeen in abaartu aad u darantahay islamarkaana loo baahanyahay gurmad ka ballaaran kan hadda socda.

Madaxweynaha Puntland, ayaa kulankaas ka sheegay in dowladdu diyaar la tahay kaalinta kaga aadan gurmadka abaaraha, isagoo intaas ku daray mahadcelin uu usoo jeediyay xubnaha dadaalka wada ee howshaas loo xilsaaray.

Kulankan ayaa lagu soo beegay xilli abaarta ka jirta Puntland sare u kacday islamarkaana marayso heerkii ugu sareeyay, waxaana magaalooyinka waaweyn ee Puntland kasocda taakulayn ay wadaan culimada iyo dadweynaha qaybahooda kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM