​Gaas iyo Guddiga Abaaraha oo Garowe ku kulmay

Image

GAROWE, Puntland- Guddiga dowladdu u xilsaartay u gurmashada dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan deegaanada Puntland, ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Puntland oo weheliyaan ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Barlamanka.

Shirkaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland, ayaa diiradda lagu saaray sida ay tahay xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland iyo halka ay marayaan dadaallada socda.

Guddiga u xilsaaran gurmadka, ayaa soo bandhigay warbixin ka hadlsa dadaallada la sameeyay, waxayna sheegeen in abaartu aad u darantahay islamarkaana loo baahanyahay gurmad ka ballaaran kan hadda socda.

Madaxweynaha Puntland, ayaa kulankaas ka sheegay in dowladdu diyaar la tahay kaalinta kaga aadan gurmadka abaaraha, isagoo intaas ku daray mahadcelin uu usoo jeediyay xubnaha dadaalka wada ee howshaas loo xilsaaray.

Kulankan ayaa lagu soo beegay xilli abaarta ka jirta Puntland sare u kacday islamarkaana marayso heerkii ugu sareeyay, waxaana magaalooyinka waaweyn ee Puntland kasocda taakulayn ay wadaan culimada iyo dadweynaha qaybahooda kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM