​Gaas iyo Sharmake oo Muqdishu ku wajahan

Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe Online uu ka helayo ilo wareedyo ka agdhow madaxtooyada Puntland, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Ra'isal wasaaraha Waqtigu ka dhammaaday Cumar Cabdirashiid Cali sharmake, ku wajahanyihiin magaalada Muqdishu Caasumadda Somalia.

Labada mas'uul ayaa la qorshaynayaan inay safraan galabta ama galinka hore maalinta Arbacada.

Safarka Gaas iyo Cumar ee Muqdishu, ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo waliba shirka madasha oo la filayo inuu maalamaha soo socdo ka furmo xarunta Somalia.

Shirkaasi, oo  lagu iclaamiyay war-murtiyeed kasoo baxay kulankii madasha ee qabsoomay todobaadkii hore, ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimaha wali Mugdigu ka jiro gaar ahaan kuraasta gobollada Waqooyi oo ilaa hadda aan la caddayn sumadooda.

Puntland, ayaa kuraastaas dood ka keentay kadib markii loogu yeeray inay ka imaanayaan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Sidoo kale Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta gobolladaas ee Muqdishu ku sugan, ayaa ku adkaysanaya inaan wax kabadal lagu samayn arrimaha Aqalka Sare.

Doodaha taagan, waxaa magaalada Muqdishu u tagay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Barlamanka iyagoo kulamo kala duwan kala yeeshay dhinacyada ay khusayso.

Safarkan Madaxweyne Gaas iyo RW Sharmake, ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaayeen Garowe iyagoo kulamo kala duwan ka yeeshay doorashada Somalia oo la filayo inay qabsoonto bishan aan ku jirno ee December, 2016.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in doorashada Somalia qabsoonto waqtigeed iyadoo ay dhowr jeer oo hore dib u dhacday.

Maamullada qaybtood ayaa soo dhammaystiray kuraasta Aqalka hoose inkastoo ay wali laalanyihiin qayb kamid ah xubnaha ka imaanaya gobollada Waqooyi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM