Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaarey degmada Eyl

Image

December 30, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ku jira xubno ka tirsan galaha wasiirada, Xildhibaano iyo mas'uuliyiinta ugu sarreeya maamulka gobolka Nugaal.

Si diirran ayaa Eyl loogu soo dhoweeyey wafdiga waxaa meel magaalada dhowr kiilo mitir u jirta kaga hortegey boqollaal dadweyne ah oo ruxayey caleemo qoyan.

Gudoomiye ku xigeenka Eyl Faysal Khaliif Wacays oo Radio Garowe la hadlay ayaa sheegay in ujeedada booqashada Madaxweynuhu salka ku hayso dhagax dhigista saldhig ballaaran oo ciidamada badda Puntland degmada Eyl ka dhisanayaan.

Dhulka ciidanku xerada ka dhisanayo oo bedkiisu yahay 300 oo mitir oo labo jibbaaran waxaa horay ugu deeqay maamulka iyo bulshada degmada Eyl iyadoo dowlada Imaraadka oo tageerta ciidamada Badda Puntland.

Muddada uu Eyl ku sugan yahay Cabdiweli Gaas wuxuu la kulmi doonaa maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wuxuu sidoo kale booqan doonaa goobaha taariikhiga ah ee degmadaasi caanka ku tahay.

Waa booqashadii ugu horeysey ee Cabdiweli Gaas ku tago degmada Eyl laga soo bilaabo markii la doortey horraantii sanadkan 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM