Gaas oo Agaasime u magacaabay Madaxtooyada Puntland

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay agaasime cusub kadib markii uu xilkii iska casilay agaasimihii Madaxtooyada Puntland Deeq Saleebaan.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas, ayaa Cabdinaasir Biixi Soofe loogu magacaabay xilka uu banneeyay Deeq Suleyman.

Waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Gaas in Biixi uu yahay shakhsi kasoo bixi kara howsha loo igmaday.

Cabdunaasir Biixi oo Jifi hoose wadagaan Madaxweyne Gaas horey ugu magacaabey agaasimaha ciidamada Badda Puntland (PMPF) balse shaqadaas laga badalay kadib markii saraakiisha wadanka Imaradka Carabta diideen Iney la shaqeeyaan.

Candinaasir ayaa inta uu shaqada ciidamada Badda ka ahaa agaasime waxaa uu qayb noqdey ganacsiga kaluumeysiga sharci darada aha isagoo qorsheynayey in howsha uu hayo u isticmaalo fasaxida doonyaha Iraniyiinta kuwasoo sharco dark uga kaluumeysta xeebaha Puntland.

Arrinta is-casilaada Deeq ayaa siyaabo kala duwan loo dhigayaa, waxaana wararku sheegayaan in Agaasimahaas hore Xilal ka raadinayo dowladda dhexe.

Halka warar kale sheegayaan inuu kamid noqonayo wasiirrada Puntland, maadama Madaxweynuhu isku shaandhayn samayn doono maalmaha soo socda.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay isla ogyihiin   Deeq iyo Gaas maadama waraaqda magacaabista ay ku taatiikhaysantahay shalay, halka is-casilaadda iyo magacaabistuba dhacday maanta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM