Gaas oo Agaasime u magacaabay Madaxtooyada Puntland

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay agaasime cusub kadib markii uu xilkii iska casilay agaasimihii Madaxtooyada Puntland Deeq Saleebaan.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas, ayaa Cabdinaasir Biixi Soofe loogu magacaabay xilka uu banneeyay Deeq Suleyman.

Waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Gaas in Biixi uu yahay shakhsi kasoo bixi kara howsha loo igmaday.

Cabdunaasir Biixi oo Jifi hoose wadagaan Madaxweyne Gaas horey ugu magacaabey agaasimaha ciidamada Badda Puntland (PMPF) balse shaqadaas laga badalay kadib markii saraakiisha wadanka Imaradka Carabta diideen Iney la shaqeeyaan.

Candinaasir ayaa inta uu shaqada ciidamada Badda ka ahaa agaasime waxaa uu qayb noqdey ganacsiga kaluumeysiga sharci darada aha isagoo qorsheynayey in howsha uu hayo u isticmaalo fasaxida doonyaha Iraniyiinta kuwasoo sharco dark uga kaluumeysta xeebaha Puntland.

Arrinta is-casilaada Deeq ayaa siyaabo kala duwan loo dhigayaa, waxaana wararku sheegayaan in Agaasimahaas hore Xilal ka raadinayo dowladda dhexe.

Halka warar kale sheegayaan inuu kamid noqonayo wasiirrada Puntland, maadama Madaxweynuhu isku shaandhayn samayn doono maalmaha soo socda.

Arrintan ayaa u muuqata mid ay isla ogyihiin   Deeq iyo Gaas maadama waraaqda magacaabista ay ku taatiikhaysantahay shalay, halka is-casilaadda iyo magacaabistuba dhacday maanta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM