Gaas oo Cafis dalbaday xilli uu xukunka ku wareejiyay Deni [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], Madaxwaynihii hore ee Puntland, kaasi oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka jeediyay qasriga Madaxtooyada khudbadiisii ugu dambeysay.

Gaas oo ku guda jiray hadal-jeedintiisa ayaa si aan gambasho lahayn wuxuu cafis uwaydiistay cid kasta oo isaga ka tirsanaysa gaf iyo xumaan mudadii shanta sano ahayd ee uu xafiiska joogay.

"Dalabkaasi cafiska ah waa mid niyada hugmaysay [ruxaysa]…marka cafiskaasi ayaa ka codsanayaa dadka meel kasta oo ay joogaan...marka aan is-cafino dadka reer Puntland meel kasta oo aad joogtaan," ayuu yiri Gaas.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu balanqaaday Gaas inuu si dhow ugala shaqayn doono Madaxwaynaha cusub Saciid Cabdullaahi Deni wax kasta oo ku aadan horumarinta dowladda Puntland.

Gaas oo ahaa Madaxwaynihii 4aad ee DPL ayaa lagu xasuustaa maamulkiisa inuu ahaa midkii ugu musuq-maasuqa badnaa, mid aanan ku guuleysan fulinta balamihii uu qaaday iyo bixinta mushaaraadka ciidamada.

Hadalka Gaas ee aadan cafiska ayaa waxaa horey usoo jeediyay ku xigeenka Cabdixakiin Xaaji Cumar [Camey] kaasi oo qiray inay shacabka Puntland ka galeen gafaf looga baahan yahay inay ka boogadhayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM