Gaas oo dhagax-dhigay Dhismaha Garoonka Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo safar dhinaca cirka ah ku tagay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo madaarka Galkacyo, kaasoo qayb ka ah kan lagu dhisayo jidka isku xira Eyl iyo Garowe.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Abdulaahi Yuusuf Axmed ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo iyo xubno kasocday bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey madaxdda shirkada CCECC oo Puntland ka hirgelinaysa mashaariic lagu dhisayo jidka iyo garoonka.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad ka jeediyay dhagax dhiga garoonka ayaa yiri, “Hadda waxaanu soo dhagax dhignay wadada isku xiri doonta Garoowe iyo Eyl, muhiimada kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirkoodu waa muhiim, waxayna muhiim u tahay isu socodka dalka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo wadanku inii maalgashi helo.”

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in Puntland ka buuxo khayraad tiro badan oo u baahan in laga faa’iidaysto.

‘’inagu waxaan leenahay khayraad dabiiciya oo wadan keena ku duugan lakiin mahaysano aqoontii aan ku soo saran lahayn iyo dhaqaalihii aan kula soo bixi lahayn, dabcan markaan dhisano kaabayaasha dhaqaalaha waxaan helaynaa maalgashi debedeed oo iyagu ugu horeeyaan  ‘’CCECC’’oo ah inay nagu tageeraan sidii aanu uga faa’iidaysan lahayn khayraadkayaga dabiiciga ah, meel fiican ayay maraysaa Puntland waayo majirto Soomaliya meel ay kajirto sadex International Airport,’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntlnd.

Wuxuu u mahadceliyay madaxda shirkadda isagoo ugu baaqay shacabka gobolka Mudug in lagu taageero CCECC sidii mashruucan u hirgali lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM