Gaas oo dhagax-dhigay Dhismaha Garoonka Galkacyo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland oo safar dhinaca cirka ah ku tagay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, ayaa dhagax dhigay mashruuc lagu dhisayo madaarka Galkacyo, kaasoo qayb ka ah kan lagu dhisayo jidka isku xira Eyl iyo Garowe.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Abdulaahi Yuusuf Axmed ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo iyo xubno kasocday bulshada rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey madaxdda shirkada CCECC oo Puntland ka hirgelinaysa mashaariic lagu dhisayo jidka iyo garoonka.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad ka jeediyay dhagax dhiga garoonka ayaa yiri, “Hadda waxaanu soo dhagax dhignay wadada isku xiri doonta Garoowe iyo Eyl, muhiimada kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirkoodu waa muhiim, waxayna muhiim u tahay isu socodka dalka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo wadanku inii maalgashi helo.”

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in Puntland ka buuxo khayraad tiro badan oo u baahan in laga faa’iidaysto.

‘’inagu waxaan leenahay khayraad dabiiciya oo wadan keena ku duugan lakiin mahaysano aqoontii aan ku soo saran lahayn iyo dhaqaalihii aan kula soo bixi lahayn, dabcan markaan dhisano kaabayaasha dhaqaalaha waxaan helaynaa maalgashi debedeed oo iyagu ugu horeeyaan  ‘’CCECC’’oo ah inay nagu tageeraan sidii aanu uga faa’iidaysan lahayn khayraadkayaga dabiiciga ah, meel fiican ayay maraysaa Puntland waayo majirto Soomaliya meel ay kajirto sadex International Airport,’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Puntlnd.

Wuxuu u mahadceliyay madaxda shirkadda isagoo ugu baaqay shacabka gobolka Mudug in lagu taageero CCECC sidii mashruucan u hirgali lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM