Gaas oo dhoofay xarumo cusubna dhagax dhigay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image

03 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay xarumo Dowli ah iyo kuwo ganacsi magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Xarumaha waxaa yeelanaya wasaaradda Haweenka, Hay'adda wadooyinka Puntland iyo goob laga dhisi doono boqol dukaan agagaarka suuqa xero dayax oo loogu tala galay ganacsatada degmadaasi.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, xildhibaano iyo maamulka degmada Galkacyo.

Dhagax dhiga ka dib Madaxweynaha Puntland ayaa u dhoofay xarunta dalka Kenya ee Nairobi oo uu sheegay inuu u tagi doono hawlo ku saabsan hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Waxa uu tilmaamay inuu la kulmi doono Hay'addo deeq bixiyaal ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada ka soo bixi doonta shirka Nairobi.

Safar Gaas ayaa qaadan doona 5 bari, sida uu Madaxweynuhu tilmaamay, waxaana bixitaankiisu ku soo beegmaya xilli ay jiraan cabashooyin badan oo ka imaanaya dhanka ciidamada Puntland oo salka ku haya mushahaar la'aan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM