Gaas oo dib ugu noqdey Puntland

Image

BOSASO- Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ka war-bixiyey waxyaabihii kala kulmeen shirarkii magaalada Muqdisho iyo mawqifka Puntland ka istaagtey go’aankii ay gaadhey dawladda Federaalka ee Somalia ee la-xiriirey geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Gaas ayaa sheegay in shirkii wadatashigu uu noqon waayey mid mira-dhal ah sababtiisa lahayd dawladda Federaalku maadaama madashii keentay wax baal marsan xal u raadintii geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa sheegey in go'aanka uu ahaa mid shacabka Puntland farey ee uusan aheyn mid isagu iska lahaa balse u taal dadka qaabka Somali wax ula wadaagayaan.

Mudane Gaas ayaa u mahad celiyey waftigii la socdey isaga oo sheegey iney wakiil ka ahaayeen shacabka Puntland qaybihiisa kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM