Gaas oo dib ugu soo laabtay Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Galkacyo xaruta gobolka Mudug,  kadib ka qayb galkoodii shirkii Madaxdda DFS iyo Dawladdaha xubnaha ka ah oo Muqdishu ka dhacay 15-16 April 2017.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaarahada  Abdulaahi Yuusuf Axmed ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaas.

Madaxweynaha oo lahadlay warbaahinta soo dhoweynta kadib ayaa sheegay in shirkii uga soconayey madaxda DFS iyo Dawladaha xubnaha ka ah uu guul ku soo dhamaaday, iyadoo uu xusay in laga arrinsaday dhismaha ciidan qaran oo ku suntan Soomalinimo, abaarta kajirta guud ahaan Soomaaliya, shirka dhowaan ka dhicidoona London oo lagaga hadli doono arrimaha dalka iyo adkaynta xiriir wanaagsan ee ka dhexeeya DFS iyo maamullada waddanka ka jira.

“Dhismaha Ciidan qaran ee Soomaliyeed waxaa hormuud ka noqon doona DFS anagana wixii nagaga aadan hawshaa ayaa nalaka rabaa inaanu fulino, hadii siday tahay loo hirgeliyo waxaanu rajaynaynaa inuu noqdo qorshe wanaagsan oo Soomaaliya dhibta ay kujirto ka saari kara, wadanku inuu xasilo oo shidada iyo dhibaatada Al-shabaab laga saaro waa guul, isla markaana in lahelo ciidan sumad sooliyeed leh oo dadka u adeega oo aan dhibaatayn shacabka, ayaanu rajaynaynaa Insha Allah,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Gaas ayaa soo jeediyay in dadka Somaliyeed is-caawiyaan si wax looga qabto abaaraha ka jira dalka oo uu sheegay inay dhibaato ku hayso umadda Somaliyeed.

GAROWEONLINE


Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM