Madaxweynaha Puntland oo Garowe u yimi kalfadhiga Balamanka

Image

25 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland ayaa goor dhaweyd soo gaaray magalada Garowe, xilli maanta uu furmayo kalfadhiga 36-aad ee Barlamanka Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kalfadhiga ka jeedin doona khudbadiisa Dastuuriga ah, waxaana imaanshihiisu ku soo beegmayaa xilli la hadal hayay cidda kalfadhigan furi doonta, maadama madaxweynuhu ka biyo diidsanaaa inuu yimaad Garowe.

Ku-xigeenkiisa Camay, oo laga war hayo inuu u dhaxeeyo khilaaf ku aadan awoodahooda Dastuuriga ah ayaa saaka u tagin, xilli Gaas madaxtooyada ku booqanayeen xubno  isugu jiray wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Nugal iyo kan degmada Garowe.

Muddo ka badan labo bilood ayaa madaxweyne Gaas ku sugnaa magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM