​Gaas oo Guddiyo u magacaabay abaarta ka jirta Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Kulan deg deg ah, ayaa madaxweynaha Puntland isugu yeeray golihiisa wasiirrada, kaasi oo ku saabsanaa xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanada Puntland gaar ahaan dhinaca Miyiga.

Guddiyadan oo loo kala qaybiyay inay ka shaqeeyaan gurmadka dadka tabaalaysan ayaa waxaa koobanyihiin, wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda iyo hay'ado kale.

Gaas oo shir la qaatay golihiisa, wasiirrada ayaa sheegay in abaarta kajirta Puntland saamaysay 90% dadka ku nool miyiga, wuxuuna xusay inaan loo dul qaadan karin ee loo baahanyahay inay gurmadaan dadka Somaliyeed iyo kuwa reer Puntland ee ku sugan dalka iyo dibadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaas, ayaa lagu sheegay in wasaaradaha la magacaabay u xil-saaranyihiin, Biyaha, Cuntada, Dajinta, Caafimaadka dadka iyo duunyada, Dhaqaalaha, Wacyigalinta iyo Xog bixinta, Amniga, Hubinta iyo Dabagalka.

Magacaabista guddigan ayaa yimid xilli dhowr guddi oo hore ay ka jireen deegaanada Puntland, kuwaasoo isu xil-qaamay sidii loo caawin lahaa dadka iyo duunyada ku dhaqan miyiga Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM