Gaas oo guddoomiye cusub usoo magacaabey gobolka Mudug

Image

April 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta guddoomiye cusub usoo magacaabey gobolka Mudug.

Wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha oo tixraaceedu ahaa Lr 35 kuna taariikheysan April 7, 2015 ayaa lagu sheegay in xilka guddoomiyaha gobolka Mudug laga qaadey Maxamed Yuusuf Tigey loona soo magacaabey Cabdiqaadir Shire Faarax Ereg.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusy in xil ka qaadista guddoomiyihii hore iyo magacaabista guddoomiyaha cusub, Madaxweynuhu kala tashadey Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Karaash.

Maxamed Yuusuf Tiigey sanadkii 2011 ayaa loo soo magacaabey guddoomiyaha gobolka Mudug. Guddoomiyaha cusub oo ah sarkaal horay uga tiranaa ciidamada Soomaaliya ayaa muddo dheer ku noolaa quraba.

Garowe Online ayaa horay u baahisey bishii hore ee March warka la xiriira xil ka qaadista guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xil ka qaadistan ayaa kusoo aadeysa xilli maanta labo qarax ka dhaceen xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo. Labada qarax midkood waxaa lala beegsadey gaari uu la socdey guddoomiye ku xigeenka labaad ee Mudug, waxaana ku dhaawacmey siddeed qof oo dhammaantood rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM