Gaas oo gudoomiye magacaabey xilli mudo xileedkiisu dhamaadey

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sameeyay xilka cusub magacaabey xilli mudo xileedkiisu uga hartay 17 maalmood.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Gaas ayaa gudoomiye cusub loogu magacaabey gobolka Mudug, qeybta Puntland ay maamusho, iyadoo go'aankan uu yimid kadib talo soo jeedin uga timid Madaxweynaha wasaaradda arrimaha gudaha.

Qoraalka laguma sheegin sababta xilka looga qaadey gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug, Xasan Khaliif Abgaal, isna kama uusan hadlin mas'uulkan xilka qaadista lagu sameeyay.

Tani ayaa qeyb ka ah magacaabid is-daba joog ah oo uu sameynayay Gaas mudooyinkii dambe markii ay soo dhawaatay doorashada Puntland, islamarkaana uu sii dhamaanayso mudadii shanta sano ee xafiiska uu joogay.

Dadka uu xilalka u magacaabayo Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay inay yihiin shaqsiyaad ay isku dhaw yihiin, oo uu horey balan-qaadyo xileed ugu sameeyay markii uu talada Puntland la wareegay 2014.

Mudadii shanta sano ee uu Gaas xafiiska joogey, Puntland ayaa waxaa ka dhacay weeraro argagaxiso oo taariikhda hore uga dhicin, iyadoo maamulkiisa lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo inuu bixin waayay mushahaarka ciidamada amniga.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM