Gaas oo Ka Hadlay Doorashada Puntland, Qoraal-na Soo Saarey [AKHRI]

Image

GAROWE - Madaxweynaha waqtigu ka sii dhamaanayo Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa qoraal uu ku saxiixan yahay kasoo saarey xafiiskiisa kaasoo uu kaga hadlay dalab uu ku sameynayo in qoondo laga siiyo Barlamanka Shanaad ee Puntland Haweenka.

Warqadaan oo ku taariikhaysan 29 October, 2019 ayaa Madaxweyne Gaas waxaa uu kaga codsanayaa Issimada iyo Nabadoonada reer Puntland in dumarka laga siiyo Barlamanka soo socda qoondo Xildhibaano ah ee gaareysa 30%.

Beelaha Puntlaand oo gudaha kaga jira xulshada Xildhibaanada ayaa inta badan aan ogoleyn in dumarka ay qaybtooda ka siiyaan xubnaha aqalka Wakiilada.

Qoraalka Cabdiweli Maxamad Cali Gaas uu kaga hadlay doorashada Puntland arrimo khuseeya ayaa noqonaya midkii ugu horeeyey tan iyo intii aqalka Wakiilada soo saareen lifaaq xusaya in maamulkaan doorasho galayo bilowga sanadka soo socda.

Dumarka reer Puntland ayaa asbuucyadii ugu dambeeyey wadey kulamo ay la qaadanyaan madaxda dhaqanka iyo maamulka iyagoo codsanayey in qaybtooda laga siiyo xubnaha Barlamanka soo socda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa maanta taliyaha qaybta gobolka Nugaal u magacaabey taliye ku xigeenkiisa Madaxtooyada Xasan Camaq- Talaabadaan ayaa daba socotey isbadalo maalmhaan xafiiska madaxtooyada ku sameynayey saraakiisha ciidamada.

Taliyaha ciidamada Puntland Siciid Dheere ayaa maalintii shalay ku dhawaaqey inuu musharax u yahay doorashada Madaxweynaha ee oo socota iyadoo saacado kadib xilka uu ka qaadey Cabdiweli Cali Gaas.

HOOS KA AKHRI QORAALKA LAGU CODSANAYO QOONDADA DUMARKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM