Gaas oo ku gacan-sayrey Go'aankii Isimada Puntland [War-Saxaafadeed]

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa kahor-timid go'aan kasoo baxay Isimada, oo ku aadanaa in dowladda ka noqoto mowqfkeedii hore ee ah in Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya aysan Garowe imaan karin inta lagu guda jiro doorashooyinka.

War-Saxaafadeed ay shalay oo Khamiis ahayd Madaxtooyadda Puntland soo saartay ayaa lagu caddeeyay in go'aankii kasoo baxay Wasaaradda amniga ee ku aadan mamnuucida madaxda Villa Somalia uu wali sidiisii yahay, waxna laga bedeli doonin.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Kooxda loo diiday inay Garowe soo booqdaan ama kasoo degaan ay u aragto inay khal-khal gelinayaan amniga, xasiloonida iyo habsami u socodka doorashooyinka baarlamaanka iyo mida madaxtinimada ee 8-da January.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM