Gaas oo ku gacan-sayrey Go'aankii Isimada Puntland [War-Saxaafadeed]

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa kahor-timid go'aan kasoo baxay Isimada, oo ku aadanaa in dowladda ka noqoto mowqfkeedii hore ee ah in Mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya aysan Garowe imaan karin inta lagu guda jiro doorashooyinka.

War-Saxaafadeed ay shalay oo Khamiis ahayd Madaxtooyadda Puntland soo saartay ayaa lagu caddeeyay in go'aankii kasoo baxay Wasaaradda amniga ee ku aadan mamnuucida madaxda Villa Somalia uu wali sidiisii yahay, waxna laga bedeli doonin.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Kooxda loo diiday inay Garowe soo booqdaan ama kasoo degaan ay u aragto inay khal-khal gelinayaan amniga, xasiloonida iyo habsami u socodka doorashooyinka baarlamaanka iyo mida madaxtinimada ee 8-da January.

HALKAN KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM