Gaas oo ku wajahan caleemo saarka madaxa maamulka Galmudug

Image

GAROWE- Madaxweynaha dowlada Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maanta u ambabaxaan magalaada Cadaado halka soo la filayo iney ka dhacdo munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug.

Booqashada Madaxweyne Gaas oo ku soo aadeysa maalin kadib markii uu ku soo noqdey Puntland ayaa noqneysa midii ugu horeysay uu ku tago magalaada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug.

Maamulka Gamudug oo la dhisay inta uu talada Puntland hayey Madaxweyne Gaas ayaa waxaa  ka dhexeeya khilaaf siyasadeed oo sababey in dagaalo ku dhexmaraan magalaada Galkacayo.

Madaxweyne Gaas iyo madaxweynihii hore xilka laga qaadey ee Galmudug Cabdikarim Guuleed ayaa kulamo lagu joojinayey dagaalada Galkacayo horey ugu yeeshey labada dhinac ay u qaybsan tahay xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale talaabada Madaxweyne Gaas ee ka qayb galka caleemo saarka Madaxweynaha cusub maamulka Galmudug ayaa dadka siyaasada gobolka la socdaa sheegayaan iney tahay mid soo dhoweyn leh balse rajo badan aysan ka muujineyn  iney keento xal deg-deg ah  oo laga gaaro xaalada murugsan ee ka taagan magaalada Galkacayo.

Dhowaan ayey aheyd markii dagaal beeleed sababey dhimasho iyo dhaawac ka dhacey agagarka tuulada Bali-busle ku halka Madaxweyne Gaas dhinaca kale ku guulaysan mudooyinkaan  Inuu furo xuduudka kala Bara magalada Galkacayo kaasoo xanibaad joogta ah ku haya gadiidka u kala goosha gobolada dhexe ee Somalia iyo Puntland. 

Xanibaada Gadiidkaan ayaa keentey in hoos u dhac ku yimaado dakhligii dowlada Puntland ka heli jirtey badeecadaha isaga gooshi jirey dekada magalaada Bossaso iyo gobolada dhexe ee Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM