Gaas oo la kulmay maamulka iyo saraakiisha amniga gobolka Mudug

Image

August 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad magaalada Gaalkacayo ku sugan  ayaa maanta kulan la qaatey saraakiisha amaanka, Garsoorka iyo maamulka gobolka Mudug.

Shirka ayaa mudadii uu scoday Madaxweynuhu warbixino ka dhagestay laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Mudug, waxaana ay ka xog warameen xaaladda guud ee gobolka iyagoo sheegay inay tahay  mid wanaagsan, adeegyada dawladuna si habsami leh u soconayaan.

Saraakiisha Madaxweynuhu la kulmay ayaa dhankooda ku baaqay in la kordhiyo daryeelka ciidamada, maadaama aysan muddo bilo ah mushaharaadkii ay xaqa u lahaayeen helin.

Gaas ayaa qeybaha kala duwan ee buslhada ugu baaqay in ay laamaha ammaanka la shaqeeyaan , kuna soo wergeliyaan fal kasta oo lidi ku ah amaanka Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM