​Gaas oo la kulmay Madax ka socotay UNSOM

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 July 2017 madaxtooyada Garowe ku qaabilay Madaxa hay’adda INSO ( international NGO safety Organization) Mr. Marcos Ferreiro ee wadamada Soomaaliya, Kenya, Nigeria, iyo Cameroon iyo Madaxa hay’adda UNSOM xafiiskeeda Dawladda Puntland mr Haward Bell.

Kulankan ay yeesheen Madaxweynaha iyo labadaas masuul ayaa looga hadlay arrimo la xariira hadal kasoo yeeray 06 July 2017 golaha wasiirrada oo ay uga digayeen hay'adaha sameeya wararka been abuurka ah ee ku saabsan Puntland inaysan sii joogi doonin waddanka.

Tallaabadaas ayaa keentay inay Garowe yimaadeen xubnahan islamarkaana dowladda kala hadlaan sababta keentay go'aankaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in aanay marnaba dawladda Puntland aqbalayn wax kasta oo wax yeelaynaya sumcadda, sharafta, cisiga iyo karaamada dawladda Puntland iyo shacabkeeda.

Gaas ayaa intaas ku daray in Puntland aysan sii joogi doonin hay'adaha ka shaqaynaya falalka guracan iyo faafinta warar been abuur ah.

Hay'adaha dowladdu dhaliishay ayaa lagu eedeeyay inay sameeyaan tirakoob khaldan oo ay ku raadinayaa lacago, taasoo Puntland sheegtay inay wax u dhimi karto amniga iyo sharafta intaba.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM