Gaas oo la kulmay Odayaasha gobolka Bari

Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Bosaso kula kulmay odoyaasha dhaqanka gobolka Bari, xilli muddooyinkii dambe halkaasi ay ka jireen xaalad amni xumo.

Arrimaha labada dhinac kawada hadleen, waxaa ugu muhiimsanaa sugitaanka amniga gobolka iyo la shaqaynta laamaha ammaanka.

Waxaa goob joog ahaa mas'uuliyiinta gobolka Bari iyo xubno katirsan madaxtooyada Bosaso.

Guddoomiyaha gobolkaas Yusuuf Maxamd Wacays (Dhedo), ayaa goobta ka sheegay in ka maamul ahaan ku dadaalayaan sidii amniga gobolka u noqon lahaa mid hagaagsan, wuxuuna soo jeediyay in Odoyaashu ka gacan siiyaan sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka guud.

Wararka ku xeeran kulankaas ayaa sheegaya in dhinacyadaas isla soo qaadeen xasilooni darrada muddooyinkii dambe taagnayd gobolka iyo bannaanbaxyo yimid kadib markii la xiray Nabadoon Xarrago.

Lama oga waxa arrintaas labada dhinac kagawada hadleen maadama nabadoonka la xiray uu qayb ka yahay duubabka dhaqanka dowladuna ku haysato inuu sharciga ku xad-gudbay.

Waa kulankii ugu horeeyay ee Madaxweynuhu la qaato tan iyo markii magaalada Bosaso u tagay xaaladda amni darro oo taagnayd tan iyo sannadkii hore dhammaadkiisa.

Dowladda Gaas ayaa ku fashilantay inay wax ka qabato amniga gobolkaas, halka uu aad u xoogaystay jariifka lagu hayo xeebaha Puntland gaar ahaan tan Bosaso oo dhawaan soo boox-dhaafiyeen maraakiib shisheeye oo xukuumaddu hishiis lasoo gashay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM