Gaas oo la kulmay safiirka Turkiga u qaabilsan Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 April 2017 kulan kula qaatay magaalada Muqdishu Safiirka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Oglan Bakar.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe.

Muhiimada Kulankaas ayaa lagu sheegay adkaynta xiriirka labada dhinac, Abaaraha, Amniga , Dhisida ciidan qaran, tababaro ciidan iyo hirgalinta Balanqaadyo dhawr ah oo ay Dawladda Turkigu horay ugu samaysay Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali oo Safiirka warbixin ka siinayay xaaladda abaaraha ee ka jira Puntland, ayaa tilmaamay in xaaladdu aad u adagtahay islamarkaana u baahantahay in wax laga qabto.

Gaas ayaa sidoo kale Turkiga ka codsaday inay deegaanada Puntland ka sameeyaan mashariico hormarineed si loo wanaajiyo xiriirka labada dhinac, isagoo soo hadal qaaday dhismaha ciidan qaran, wuxuuna xukuumadda Ankara ka dalbaday inay door ka qaadato maadama ay kamid tahay dalalka daneeya arrimaha Somalia.

Safiirka Turkiga ee Somalia Mr. Oglan ayaa  ballan qaaday in arrimahaas wax laga qaban doono, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dhawaan Puntland usoo diri doonaan guddi soo qiimeeya saamaynta abaartu ku yeelatay degaanada maamulkaas.

Ma aha kulankii ugu horeeyay ee labada mas’uul ku dhexmara magaalada Muqdishu, balse shirkan ayaa kusoo aaday xilli maanta caasumadda Somalia lagu qabtay kulan u dhaxeeya madaxda dowladda Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM