Gaas oo la kulmey waxgaradka gobolka Barri

Image

BOSASO- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maalinimadii Jimcaha 22 Jan, 2016  xarunta madaxtooyada Bosaso kula kulmey guddi ka kooban beelaha daga Barri.

Kulankaan ayaa wararka Garowe online helayo looga hadley cabashooyin beelaha Barri ka muujinayeen maalmihii la soo dhaafey qaar ka tirsan madaxda dowlada ee gobolka iyo sida xukuumada madaxweyne Gaas u maamusho qandaraasyada kasoo baxa gobolkaas gaar ahaan magaalada Bosaso.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa wararku sheegayaan in kulankaas uu ku dhageystey qodobadii ay soo jeediyeen gudigaan isaga oo ka codsadey iney sugaan inta uu kasoo noqonayo magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa maalmihii ugu dambeeyey lagu muransanaa qaabka uu u dhacayo iyadoo madaxweyne Gaas dalbadey markii hore in si wadajir ah uusan ula kulmeyn beelhaan balse ka biyo diideen in gooni gooni ugu tagaan.

Muranka gobolka ka taagan ayaa salka ku haya cabashooyin laga qabo sida xukuumada Puntland u magacowdo saraakiisha dowlada oo ka howlgala gobolka kuwasoo qarkood lagu eedeynayo iney aflagaado u gaystaan bulshada halkaas dagta.

Dhinaca kale waxaa jira eedymo loo jeedinayo madaxweynaha Puntland ee la xiriira qaabka uu u maamuley qandaraasyo kasoo baxey garoonka cusub ee Bosaso kuwasoo la siiyey dad isaga ku dhow.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa laga sugayaa inuu ka qayb galo kulan magaalada Muqdishu loogu qabanayo madaxda Somalida 23 Jan, 2016 kaasoo beesha caalamka ka sugeyso iney go'aamo laga saaro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM