​Gaas oo lagu soo dhaweeyay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU- Waxaa galinkii dambe maanta magalada Muqdishu gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), kuwaasi oo ka qayb gali doona shir looga hadlayo Arrimaha Somalia.

Kulanka oo socon doona labo maalin ayaa waxaa kasoo qayb gali doona xubno kasocda Qaramada Midoobay gaar ahaan golaha amniga.

Garoonka diyaaradaha Muqdishu (Aadan Cadde), ayaa soo dhaweyn waxaa ugu sameeyay  xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Somalia oo uu hoggaaminayo wasiirka Jeneraal Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilko-jiir.

Shirkaan oo madaxda maamul goboleedyadu imaan doonaan ayaa looga hadli doonaa arrimo ka mid yihiin nabagelyada guud ee dalk, xaaladda kala guurka, hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka, heshiisyadii dhexmaray dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah iyo arrimo kale.

Shirkaan ayaa kusoo beegmay xilli uu muddooyinkii dambe soo baxayeen khilaaf ku salaysan hannaanka doorashada oo Barlamanku codsadeen in wax laga badalo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM