Gaas oo magacaabey Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada [Akhri Liiska]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland.

Magacaabista ayaa lagu shaaciyay Digreeto xeer Madaxweyne, oo kasoo baxday xafiiska Gaas maanta oo Isniin ah [December 03 2018], taasoo lagu soo bandhigay guddi 8 xubnood ka kooban, oo gudoomiye looga dhigay Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre.

Musharixiinta Puntland wali kama aysan hadlin magacaabistan, balse bayaan ay dhawaan soo saareen ayaa waxay uga soo horjeysteen warqad uu soo saarey Gaas, oo ku saabsan jawdalka xulista Xildhibaanada cusub iyo doorashada madaxweynaha.

HALKAN KA AKHRI LIISKA MAGACYADA GUDDIGA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM