Gaas oo mas'uuliyiin usoo magaacabay qaar kamid ah wasaaradaha Puntland

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdowali Maxamed Cali Gaas, ayaa lagu magacaabay wasiir ku-xigeenno iyo wasiir dowlayaal qaar kamid ah wasaaradaha Puntland.

Nuqul kamid digreetada oo soo gaartay Warsidaha GO, ayaa u qornayd qaabkan hoose;

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne Lr.39 ee April 02 2017 kuna saabsan magcaabis Wasiiru Dawlayaal iyo Wasiiro Kuxigeeno.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:                      Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu tixgeliyey.                Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Markuu latashaday:             Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1.      Waxaa Cabdiweli Seed Cilmi loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha.

2.      Waxaa Cabdifataax Ashkir Nuur loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

3.      Waxaa Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil ( Sheekh Aduun) loo magcaabay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Hiddaha iyo Dhaqanka.

4.      Waxaa Dr. Nuur Axmed Yuusuf loo magcaabay Wasiir kuxigeenka wasaarada Xanaanada Xoolaha.

5.      Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

Magacaabista mas'uuliyiintan ayaa timid xilli la filayay in Madaxweyne Gaas isku shaandheeyo golahiisa wasiirrada, waxaana wasaaradda Warfaafinta in muddo ah ay ahayd wasiir la'aan kadib markii uu is-casilay Maxamud Soocade.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM