Gaas oo raashin ganacsatada Puntland ku deeqeen u qaadey dadka abaareysan

Image

BOSSASO, Puntland- Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ku sugnaa mudooyinkii ugu dambeeyey magalada Bosaso ayaa wararka sheegayaan inuu u safrey degaanada Barriga halka soo ay  u naq guureem dadka abaaruhu saameynta ku yeesheen.

Gaas oo habeenkii xalay ku sugnaa tuulada Xiriiro ee hoostimaada gobolka Karkaar ayaa wararka maanta ka imaanaya sheegayaan inuu u gudbey degmada Xaafuun gobolka Barri.

Raashinka Madaxweynaha Puntland u qaadey dadka u guurey degaankaas ayaa sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay waxaa ku deeqey intiisa badan ganacsatada ku sugan magaalada Bossaso.

Wararka ayaa sheegaya in ganactada ku deeqdey raashin kala duwan oo gaaraya 2500 Kiish halka dowlada Puntland ka bixisay cashuurta laga qaado shacabka bixisey 500 kiish.

Madaxweynaha Puntland oo maalmihii ugu dambeeyey shirar kula jirey ganacsatada ayaa codsigaan u gudbiyey  madaama ay u sahleyso in safarkaan ugu ambabaxo degaanada Barriga.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriirka safarka Madaxweynaha Puntland.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM