Gaas oo Ruqseeyey Saraakiil ka Mucaaradey Saxaafada [AKHRI]

Image

GAROWE- Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Ruqseeyey 7 Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishda Puntland kuwaaas oo dhawaan warbaahinta ka soo muuqday iyagoo dhaliilay hogaaminta madaxwayne Gaas isla markaana sheegay in ka soo horjeedaan Shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada Digreeta lagu ruqseeyey saraakiisha ayaa sidan u qornayn.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa 25 October 2018 ka Rukhseeyey Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland 7 iyadoo dhinaca kale maamulkiisa ruqsadii kala noqdeen talefishinkii baahiyey hadalkooda.

Talaabada Gaas ka qaadey ciidankaan ayaa ku soo beegmeysa xilli saraakiil xilal sare ka haysa qaar ka tirsan hay’adaha amniga u sharaxan yihiin xilka Madaxweynaha Puntland kuwaas oo olole aan qarsooneyn kawada magaalooyinka waaweyn ee maamulkaan.

Ujeedo: Rukhso Saraakiil

Laga bilaabo 25 October 2018 waxaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland laga Rukhseeyey (7) Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta kadib marka ay ku kaceen falal lid ku ah jiritaanaka Puntland iyo anshaxa ciidannimo, kuwaas oo kala ah. 

1. G/Sare Jaamac Axmed Maxamer (Luujito)

2. G/Sare Maxmed Cali Qase

3. G/Sare Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax)

4. G/Sare Cabdirsaaq Aadan Cali (Dhancad)

5. G/Dhexe Cabduqaadir Jaamac Cabdi (Dhalo muro)

6. G/Le Maxamuud Cali Xirsi ( Afgaab)

7. Dhame Cumar Aadan Cabdi (Boolo Boolo)

Fulin Wacan

-DHAMMAAD-

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM