​Gaas oo safar qarsoodi ah ku tagay Imaaraadka

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa safar aan horay loo sii shaacin maalintii shalay ahayd uga baxay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Gaas iyo Wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dubai ee xarunta waddanka Isu-tagga imaaraadka Carabta halkaas oo ay ku leeyihiin kulamo kala duwan.

Lama oga safarkaas iyo waxa uu salka ku hayo, balse wuxuu ahaa socdaal laga qariyay warbaahinta.

Xiriiro aan la samaynay saraakiisha dowladda qaybtood waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan safarka Cabdiwali Gaas.

Wuxuu kusoo aaday maalin kadib markii magaalada Bosaso lagu aasay Madaxweynihii hore Puntland Cadde Muuse.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalkan uu xiriir la leeyahay isbadalka ka dhacay Somalia.

Madaxweynahan oo safarkiisu aad u badanyahay ayaa mar kale ka baxay Puntland iyadoo ay ka jirto xaalad adag oo abaar iyo amni darro isugu jirta.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Muqdishu u tagay arrimo la xiriira doorashada isagoo ay weheliyaan Guddoonka golaha wakiillada,  kuwaas oo olole ugu jiray mid kamid ah murashaxiintii laga guulaystay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM