​Gaas oo safar qarsoodi ah ku tagay Imaaraadka

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa safar aan horay loo sii shaacin maalintii shalay ahayd uga baxay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Gaas iyo Wafdigiisa ayaa gaaray magaalada Dubai ee xarunta waddanka Isu-tagga imaaraadka Carabta halkaas oo ay ku leeyihiin kulamo kala duwan.

Lama oga safarkaas iyo waxa uu salka ku hayo, balse wuxuu ahaa socdaal laga qariyay warbaahinta.

Xiriiro aan la samaynay saraakiisha dowladda qaybtood waxay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan safarka Cabdiwali Gaas.

Wuxuu kusoo aaday maalin kadib markii magaalada Bosaso lagu aasay Madaxweynihii hore Puntland Cadde Muuse.

Wararka qaar ayaa sheegaya in socdaalkan uu xiriir la leeyahay isbadalka ka dhacay Somalia.

Madaxweynahan oo safarkiisu aad u badanyahay ayaa mar kale ka baxay Puntland iyadoo ay ka jirto xaalad adag oo abaar iyo amni darro isugu jirta.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Muqdishu u tagay arrimo la xiriira doorashada isagoo ay weheliyaan Guddoonka golaha wakiillada,  kuwaas oo olole ugu jiray mid kamid ah murashaxiintii laga guulaystay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM