Gaas oo shuruud ku xiray ka qeybgalka Shirka uu Farmaajo ku baaqey [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], oo ka fal-celiyay casuumadii uu Madaxwayne Farmaajo u fidiyay madaxda maamullada ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadaxajood lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Madaxweynahan uu waqtiga kasii dhamaanayo ayaa daboolka qaaday in shuruuda ay ku xiran yihiin wada-hadalka madaxda Villa Soomaaliya oo ah in la helo daraf saddexaad, oo damaanad qaada fulinta waxyaabihii lagu heshiiyo.

Gaas oo wareysi siiyay Radio Kulmiye, ayaa xusay in Villa Somalia ay ku guuldareysatay fulinta heshiisyo ay horey ula galeen markii ay ku kulmeen Muqdisho iyo Baydhabo, sidaas darteeda darafka saddexaad uu noqon doono "mid damaanad qaade ah".

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu meesha ka saarey in dhinaca saddexaad ay rabaan inay noqoto Beesha Caalamka oo usoo tafaxeedaneysa inay soo farageliso xiisadda siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Madaxwaynaha maamulka 20-sano jirsaday ayaa soo dhaweeyay waanwaanta Aqalka Sare, isagoo si cad daaha uga rogay inay aad ugu riyaaqsan yahay, una aqbaleen doorka Aqalka Odayaasha.

"Adeer ma jirto inaan dooneyno in Beesha caalamka nasoo farageliso. Diyaar ayaan u nahay inaan Muqdisho nimaadno, balse waxaan ku imaan karnaa in la helo daraf saddexaad, sababta oo ah horey ayaan shirar u wada galnay oo la fulin waayey wixii aan ku heshiinay marka haatan Aqalka Sare oo arrinta ku jira aan ka war sugno," ayuu yiri Gaas.

Gaas ayaa kamid ahaa madaxdii ka qaybgashay shirkii dhowaan madaxda dowlad goboleedyadda ku yeesheen Garoowe, kaasi oo ay kasoo baxeen qodobo ay kamid yihiin in Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ay sameysaan ciidamo u gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM