Gaas oo sii kala qaybiyey gobolka Sool xilli doorasho

Image

GAROWE- Kulankii Golaha Wasiirada Puntland isugu yimaadeen 6 Dec, 2018 ayaa qoraal kasoo baxay waxaa lagu magacaabey gobol la yiraado Taleex. 

Degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ayaa magaalo madaxdiisa Laascaano waxaa gacanta ku haya maamulka Somaliland.

Magacaabista gobolkaan ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli madaxweyne Gaas muddo xileedkiisa ka dhiman tahay muddo bil ah.

Gaas oo ku guuldareystey hogaaminta Puntland Shantii sano ee lasoo dhaafey ayaa magacbistan ujeedkeedu tahay sidii uu codad uga heli lahaa xildhibaano ka soo jeeda degmadaas.

Dhinaca kale kulankaan ayaa Yagoori oo ku jirta gacanta maamulka Somaliland waxaa loo magacaabey degmo.

Madaxweyne Gaas ayaa inta uu talada Puntland hayey maamulka Somaliland waxa uu qabsadey tuulada Tukaraq oo aheyd goob istaraatiji ah islamrkaana muhiim u aheyd degmada Taleex kamid ahaanshaheeda mamaulkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM