Gaas oo Taliye Booliis magacaabey xilli waqtigu ka dhamaanayo

Image

GAROWE- Kadib markii maanta 28 October,2017 taliyihii ciidamada Daraawiishta isu sharaxay xilka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa wareegto lagu magacaabayo taliyaal kale kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha waqtigu ka sii dhamaanayo.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa taliyaha Booliiska Puntland u magacaabey Muxayadiin Axmad Muuse oo asbuucyadii lasoo dhaafey isku hayey xilalka taliyaha qaybta iyo xasilinta magaalo madaxda Garowe.

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Puntland

Magacaabistaan ayaa lu timid hab-qaybsiga qabiilka madaama Siciid Dhere iyo Muxayadiin kaasoo wada-jeedaan beelaha u badan gobolka Nugaal.

Gaas ayaa Taliyaha ciidamada Daraawiishta u magacaabey nin ay isku beel yihiin kaas oo mudooyinkaan ku sugnaa magaalada Garowe.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey in Gaas qorsheynayo inuu shaqada ka qaado xilka iyadoo taliye Siciid iyo madaxa sare ee Puntland xiriirkooda xumaadey.

Wareegtada Taliyaha booliiska lagu magacaabey ayaa u qorneyd sidatan:

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28 October 2018 magcaabay Taliayaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr.158 October 28, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa S/Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliaya Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACY-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM