​Gaas oo wali laga sugayo Bosaso xilli uu ku suganyahay Muqdishu

Image

BOSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa wali ku sugan magaalada Muqdishu caasumadda Somalia xilli uu muddo ka badan 15 casho ka maqanyahay deegaanada Puntland oo ay ka jiraan abaaro xooggan iyo waliba falal amni darro oo kasoo kordhay magaalada Bosaso labadii todobaad ee ugu dambeeyay.

Gaas oo la sheegay in todobaadkii hore inuu imaanayo magaalada Bosaso ayaa dib uga dhacay arrintaas, wuxuuna maanta kulamo ku yeeshay caasumadda Somalia isagoo  la shiray safiirka Turkey Oglan Bekar.

Kulankaas ayaa la sheegay in labada mas'uul uga wada hadleen waxyaabo ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyoTurkey, iyagoo sidoo kale isla soo qaaday mashaariicda hormarineed ee waddankaasi ka fuliyo Somalia.

Shirkan oo aan ahayn markii ugu horaysay ee labadaas mas'uul wada qaataan ayaa kusoo aaday xilli dhawr maalin ka hor lasoo afmeeray shirkii madasha oo mas'uulkaas u tagay magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha oo la saadaalinayay inuu u safro dalka dibadiisa ayaa qorshahaasi ka baaqday, waxaana saraakiil katirsan madaxtooyada sheegeen inuu magaalada Bosaso tagi doono maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Socdaalkiisa Bosaso ayaa lagu sheegay inuu ku aadanyahay sidii uu xal loogu samayn lahaa dilalka iyo amni darrada ka jirta xarunta gobolka Bari.

Waxaa la qorshaynayaa inuu muddo halkaas ku sugnaan doono si uu kulamo iyo wadatashi ula yeesho dhinacyada kala duwan ee bulshada halkaasi ku nool.

Laakiin ma suuro galin sidii la saadaaliyay oo waxaa Madaxweynuhu maqanyahay muddo ka badan 15 casho isagoo labadii bilood ee u dambeeyay ku jiray safarro xiriira ah.

Gaas ayaa muddo kabadan bil, wuxuu ka maqanyahay  caasumadda Puntland ee Garowe marka la eego labadii bilood ee ugu dambeeyay ee sannadkan maanta ugu dambayso 2016.

Cabdiwali Maxamed Cali, ayaa Garowe soo gaaray 10-kii bishan isagoo sidoo kale safray 15 December, 2016.

NB: Warsidaha GO, ayaa akhristayaashiisa u ballanqaadaya inuu soo gudbiyo safarraduu uu galay Madaxweynuhu sannadkan  dhammadka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM