​Gaas oo warshad hubka samaysa booqday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan caasumadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa maanta 19-April-2016 kormeer ku tegey warshadda hubka, Rasaasta, Gawaarida dagaalka iyo kuwa raaxada u samaysa dalkaas oo lagu magacaabo METEC IYO GAFAT.

Kormeerka ayaa Gaas waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warsha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland oo kamid ahaa waftigaas.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta uu booqday, waxaana goobtaasi ku qaabilay  masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka warshadda iyo saraakiil ka socday wasaaradda gaashaan dhigga Ethiopia, isagoo uu kala hadlay sidii Puntland uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dawladda Federaalka Ethiopia Dr. Rashiid  ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo qadada kadib wada qaatay kulan is xog-waraysi guud ah.

Maaha markii ugu horaysay ee madaxweyne Gaas booqasho kasameeyo magalada Addis ee dalka Ethiopia, safarkii hore ayayna ahayd markii uu booqasho ku tagay warshad ku taalla dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM