​Gaas oo warshad hubka samaysa booqday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan caasumadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa maanta 19-April-2016 kormeer ku tegey warshadda hubka, Rasaasta, Gawaarida dagaalka iyo kuwa raaxada u samaysa dalkaas oo lagu magacaabo METEC IYO GAFAT.

Kormeerka ayaa Gaas waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warsha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland oo kamid ahaa waftigaas.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta uu booqday, waxaana goobtaasi ku qaabilay  masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka warshadda iyo saraakiil ka socday wasaaradda gaashaan dhigga Ethiopia, isagoo uu kala hadlay sidii Puntland uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dawladda Federaalka Ethiopia Dr. Rashiid  ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo qadada kadib wada qaatay kulan is xog-waraysi guud ah.

Maaha markii ugu horaysay ee madaxweyne Gaas booqasho kasameeyo magalada Addis ee dalka Ethiopia, safarkii hore ayayna ahayd markii uu booqasho ku tagay warshad ku taalla dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM