Gaas oo xarigga ka jaray qunsuliyadda safaaradda Yemen ee P/land

Image
Image
Image
Image

May 24, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta daah furay xafiiska Qunsuliyadda Dawladda Yemen ku yeelanayso Puntland .

Xafladda furitaanka xafiiskaan oo ka dhacday hoolka Hotelka Gacayte ee Boosaaso ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad , Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Boosaaso, rag iyo dumar isugu jiray shicibweynaha dalka Yemen ee ka soo qaxay dagaalada ka soconaya dalkaasi, kuwaasi oo u soo qaxay gudaha Puntland.

Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Yemen oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay in uu si aad ah ugu mahadcelinayo dawladda iyo shacabka reer Puntland oo aan si aan kala har lahayn uga qeyb qaatay soo dhaweynta iyo garab istaaga walaalaha ka soo qaxaya dalka Yemen ee dhibaatada colaadeed ku habsatay.

Madaxweyne.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo sirasmi ah xariga uga jaray xafiiska cusub ayaa sheegay in mar walba ay garab taagan yihiin walaalahooda Yemen, dhulka Puntland uu yahay dhulkoodi labaad dhinackastana ay dawladda iyo shacaba garab taagan yihiin.

Dawladda Yemen ayuu ku tilaamay in xiligii dagaalada sokeeye ay ka qarxeen dalka Soomaaliya martigelisay qaxooti badan , maadama ay talaabadaa qaadeen ayuu sheegay Madaxweynuhu in sidii si lamid ah oo weliba ka wanaagsan loo baahanyahay in la sameeyo hada .
 
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Beesha Caalamka ugu baaqay inay gargaar deg deg ah laso gaaraan qaxootiga badan ee ku sugan Puntland iyo kuwa sida isdaba jooga ah uso gaaraya, dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen ayuuna ugu baaqay inay hakiyaan colaada soconaysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM