Gaas oo xilkii ka qaaday Agaasimahii hay’adda PAC

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiika Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii hay’adda la dagaallanka Aids-ka (PAC), Cabdiraxmaan Siciid Dhagaweyne.

Digreetada xilka ka qaadista ayaa booskaa loogu magacaabay mas’uul kale oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Axmed.

Lama oga sababta xilka looga qaaday Dhagaweyne oo booskan joogay ilaa xukuumaddii Cabdiraxmaan Farole.

Digreetadan ayaa qayb ka ahayd kuwo kale oo xilal loogu magacabay shakhsiyaad kale oo ka agdhow xafiiska Madaxweyne Gaas.

Waxaa kamid ah nin lagu magacaabo Cabdirasaaq Gosol oo kamid ah Qurba joogta Puntland oo loo magacaabay wakaaladda Wararka Puntland.

Horay deegaanada Puntland ugama jirin Wakaalad warar oo ay dowladdu leedahay.

Lama oga sababta xilkan aan jirin loo  magacaabay.

Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay soo kordhiyay hay’ado iyo xilal aan horay uga jirin Puntland, kuwaasoo inta badan u dhiibay shakhsiyaad qurba joog ah.

Halkan ka akhriso xeerka lagu magacaabay Agaasimaha PAC oo nuqul kamid ah soo gaaray GO;

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray digreeto xeer Madaxweyne Lr.49, kuna saabsan magcaabis Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ladagaalanka AIDS Puntland (PAC).

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:             Dastuurka Dawladda Puntland.                                            

Markuu tixgeliyey.      Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo 

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqaadir Maxamed Axmed loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda    

     Ladagaalanka AIDS Puntland (PAC).

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay  Madaxweynuhu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM