Gaas ''PL waxay diyaar u tahay inay la hadasho cid kasta oo kaga maqan yihiin''

Image

GAROWE[GAROWE ONLINE] Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali oo maanta khdubad ka jeediyay kulan lagu taageerayay qodobadii kasoo baxay shirkii labadii maalmood ee lasoo dhaacafay ka socday madaxtooyadda Garowe.

Waxa uu sheegay Puntland inay raadinayso wanaaga umadda Somaaliyeed ayna diyaar u tahay cid kasta oo ay wax kaga maqan yihiin inay iskaashi iyo wada hadal la gasho si loo saxo wax kasta oo la isku hayp.

Madaxwayne Gaas ayaa welwel ka muujiyay qodobada ay soo saareen inuu ka socon waayo dhanka madaxda DF oo lagu eedeeyay inay faro galin ku hayso gobalka Mudug oo ka tirsan Puntland.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay hoggaamiyaasha dhaqanka Puntland waxayna muujiyeen inay taageero u hayaan go'aamadda soo baxay maanta oo ku socda dowladda federaalka ee Somalia.

Go'aankan ayaa sheegaya Puntland inay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Madaxda DF balse ay goob joog ka noqdaan beesha caalamka si ay u noqdaan qodobada kasii bixi doono kuwa shaqeeya.

Dadka siyaasada Somalia la socda ayaa sheegaya inay ku adkaan doonta madaxda Villa Somalia inay aqbaal go'aanka Puntland iyo xildhibaanadda baarlamaanka DF ugu jira ay wada gaareen.

Villa Somalia ayaa lagu saxiixay 30,July,2014 heshiis 11 qodob ka kooban oo mamul loogu samaynayo Mudug iyo Galgaduud taasoo welwel galisay Puntland maadama Gobalka Mudug intiisa badan ay Puntland ka taliso hase yeeshee madaxwayne Gaas oo maalintii ka danbaysay xiligaasi warbaahinta la hadlay ayaa xiriirka u jaray DF.

Dadka Puntland ayaa hadal haya haddii go'aankan DF diido muxuu yahay tilaabada xigta ay xukumadda Gaas ka qaadan karta DF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM