Gaas: Puntland waa ka horeysay kana dambeyn doontaa Deni

Image
Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa hor-yimid damaca kursi isku-kooleynta hogaanka waqtiga ka dhamaanayo.

GAROWE, Puntland - Madaxwaynihii hore ee Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], ayaa si kulul waxa uu uga hor-yimid isku-dayga hogaanka Puntland ku doonayo in uu wax uga badalo dastuurka heshiiska lagu yahay.

Gaas oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa ka shan-qariyey in damaca madaxweynaha muddo xileedkiisa sideeda bilood ka hartey uu salka ku hayo mid shaqsiyadeed.

Saciid Cabdullaahi Deni ayuu ku tartarsiiyey in uu ka istaago talaabadaas oo uu hoosta ka xariiqay in ay Puntland gelineyso mar-xalad siyaasadeed oo horseedi karta qalalaase, xasilooni darro iyo khal-khal amni.

Maxkamadda Dastuuriga ah iyo Baarlamaanka ayuu ku waaniyay in aysan ku milmin siyaasadda isla markaana ay si waafi ah u gutaan waajibaadka ka saaran la xisaabtanka xukuumada iyo ilaalinta sharciga.

Deni ayuu ku eedeeyay in uu barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland u adeegsanayo jaranjaro uu ku gaaro qorshahiisa siyaasadeed oo ay kamid tahay in uu helo muddo kororsi sharci darro laba sano ah.

"Puntland waa ka weyn tahay [Saciid Cabdullaahi Deni], waa ka horeysay, waana ka dambeyn doontaa. Baarlamaanka waa in ay diidaan damaciisa shaqsiga ah oo ay ilaaliyaan shaqadooda," ayuu carabka ku adkeeyay.

Codka Gaas ayaa ku biiraya isla markaana xoojinaya diidmo xooggan oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland ay kaga hor-yimaadeen riyadda Deni ee ah in uu xukunka baaqi kusii ahaado illaa laga gaaro sanadka 2026-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM